Onana Oo Diiday Monaco; Wuxuu Go’aan Rasmi Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa United

Warbixinno cusub ayaa daaha ka qaaday in goolhayaha reer Cameroon Andre Onana uu go’aansaday inuu sii joogo kooxda Manchester United inta lagu jiro suuqa xagaaga ee hadda socda, isagoo diiday dalab uu ka helay kooxda reer France ee AS Monaco, oo dhawaan xiiseynaysay saxiixiisa.

Sida uu qoray wargeyska Ingiriiska ah The Sun, kooxda Monaco ayaa la xiriirtay wakiillada Onana si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada uu ugu wareegi karo Ligue 1, maadaama ay raadinayaan goolhaye cusub. Si kastaba ha ahaatee, ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Onana uusan qorsheyneyn inuu ka tago garoonka Old Trafford.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Onana uu qorsheynayo inuu ku sii nagaado Manchester si uu u muujiyo tayadiisa ugana caawiyo kooxda inay dib ugu soo laabato heerka ay mudan tahay.

Waxaa intaa dheer in Onana uu og yahay inuu sameeyay qaladaad, balse uu arrintaas u arko caqabad shaqsi ah oo uu doonayo inuu ka adkaado. Wuxuu sidoo kale rumeysan yahay awoodiisa iyo kartidiisa inuu ka jawaabo dhaleeceynta iyo shaki kasta oo laga qabo.

Dhinaca kale, tababaraha cusub Ruben Amorim ayaa qorsheynaya inuu dib u abuuro tartan xooggan oo booska goolhayaha ah xagaagan, gaar ahaan iyadoo la hadal hayo in goolhayaha reer Turkey Altay Bayındır uu ku dhow yahay inuu ka tago kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football