Obi Mikel Oo Magacaabay Xiddig Ku Haboon In Chelsea U Xirto Calaamadda Kabtan-nimada

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa si weyn u amaanay laacibka reer Ecuador Moises Caicedo, isagoo rumeysan in uu mustaqbalka noqon karo kabtanka kooxda Stamford Bridge.

“Caicedo waa ciyaaryahan cajiib ah. Wuxuu si buuxda ugu dhex milmay booskiisa, wuxuuna ciyaaraa isaga oo aan wax cabsi ah qabin. Wuxuu joojiyaa weerarada, aad ayuu ugu dagaallamaa kubadda. Waxaa cad in uu u dagaallamayo funaanadda iyo kooxda, wuxuuna doonayaa guulo iyo koobab,” ayuu yiri Mikel.

Mikel ayaa sii raaciyay: “Wuxuu u egyahay kabtan mustaqbalka kooxda, sidaas ayaan isaga u arkaa waqtigan. Waxaan kaliya rabaa in aan arko isagoo codkiisa adeegsanaya, hogaaminaya kooxdiisa hadal ahaan, uma baahnin ciyaar keliya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football