Obi Mikel: “Chelsea Ma Heysato Wax Hoggaan Ah”

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea John Obi Mikel ayaa si kulul u dhaleeceeyay kooxdiisii hore kadib guuldarradii 3-1 ee ka soo gaartay Flamengo tartanka Club World Cup.

Markii laga wareystay xaaladda kooxda, Mikel wuxuu si cad u sheegay in Chelsea aysan lahayn ciyaartoy hoggaan dhab ah leh.

“Markaad ka hadleyso hoggaamiyeyaal – waa kuwa garoonka jooga oo ciyaarta iyo saaxiibadooda xakameyn kara. Taasi waa waxa Chelsea lahayd xilligii ay joogeen John Terry iyo Didier Drogba,” ayuu yiri.

“Ciyaartoy garoonka isugu yeeri kara oo oran kara, ‘Aynu is-muujinno’. kama arko taas halkan. Ma arko hoggaamiyeyaal, waxaan kaliya arkayaa khaladaad la samaynayo.”

Obi Mikel ayaa sidoo kale xusay dhacdadii casaanka ee Nicolas Jackson isagoo yiri: “Jackson wuu soo galay, markaas ayuu casaan qaatay. Wax walba way xumaadeen, kadibna xitaa way ka sii dareen.”

Hadallada Mikel ayaa imaanaya iyadoo Chelsea ay wajahday cadaadis iyo su’aalo badan oo ku saabsan jihada iyo hoggaaminta kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football