Noni Madueke Oo Si Kulul Uga Hadlay Taageerayaasha Neceb Enzo Maresca

Noni Madueke ayaa qirtay inuusan fahmin sababta Enzo Maresca si weyn loogu dhaleeceeyay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Chelsea.

“Macallinka waa mid heer sare ah, wuxuu guulo ka gaaray Leicester, sidoo kalena wuxuu halkan [Chelsea] kula guuleystay koob, wuxuuna na gaarsiiyay Champions League,” ayuu Madueke yiri kaddib guushii Chelsea ee final-kii Conference League.

“Ma fahmayo sababta loo dhaleeceynayo isaga.

“Dadka dhaleeceeya waa qayb ka mid ah ciyaarta. Aniga si gaar ah walwal ugama qabo. Waxay kugu dhiirrigeliyaan inaad dadaasho. Marka, waad mahadsan tihiin ayaan leeyahay iyaga.”

Madueke ma uusan sii fogeyn hadalkiisa sida tababare Maresca, kaas oo horey uga falceliyay dhaleeceynta isagoo si caro leh u sheegay in dadka wax dhaleeceeya ay “iska hadlaan”, kadib markii Blues ay ku dhammeysatay afarta sare ee Premier League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football