Nin Lagu Soo Eedeeyay Inuu Dil Ugu Hanjabay Morata Iyo Qoyskiisa Oo Jeelka La Dhigay

Wiil 19 jir ah ayaa lagu xiray gudaha Spain kadib markii uu hanjabaad dil ah u diray weeraryahanka xulka Spain Álvaro Morata iyo qoyskiisa.dhacdadan ayaa timid kadib markii Morata khasaariyay rigoore kulankii kama dambeysta ahaa ee Nations League oo dhacay 8-da Juun.

Markii uu Morata rigoorada khasaariyay, taasoo ugu dambeyn Portugal u horseeday hanashada koobka, wuxuu la kulmay aflagaado badan oo baraha bulshada ah. Si kastaba, arrintu waxay dhaaftay xadka marka qaar ka mid ah taageerayaasha ay bilaabeen hanjabaado dil ah.

Booliiska qaranka ee Spain ayaa hadda xiray wiil loo haysto inuu ku hanjabay inuu dili doono Morata iyo qoyskiisa.

Dembiile kale oo lagu tuhunsanaa arrinta ayaa sheegay in la jabsaday akoonkiisa baraha bulshada oo hanjabaadahaas laga diray, isla markaana uusan isagu wax shaqo ah ku lahayn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football