Nico Williams Oo Go’aan Lama Filaan Ah Kasoo Saaray Mustaqbalkiisa Athletic Bilbao

Warbixin kasoo baxday wargeyska reer Spain ayaa shaacisay wararkii ugu dambeeyay ee ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka kooxda Athletic Bilbao, Nico Williams, xilli uu jiro xiiso weyn oo uga imaanaya Barcelona.

Wargeyska Sport ee ka soo baxa Catalonia ayaa sheegay in Nico Williams uu go’aansaday inuu xagaagan u wareego Barcelona ama uu cusbooneysiiyo heshiiskiisa kooxda Athletic Bilbao.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Nico wuxuu si gaar ah u doonayaa kaliya inuu ku biiro Barcelona, inkasta oo kooxo kale oo badan ay daneynayaan inay la saxiixdaan.

Warka ayaa lagu soo gabagabeeyay:

“Ciyaaryahanku wuu iska indho tiray dhammaan dalabyada kale, wuxuuna doonayaa inuu rumeeyo riyadiisa – ku biirista Barcelona ama sii joogista Bilbao.”

Waxaa xusid mudan in Nico Williams uu heshiiskiisa ku jiro shuruud lagu burburin karo oo ah €58 milyan, taasoo ka dhigeysa mid suuqyada kala iibsiga aad looga hadal hayo.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football