Nico Williams Oo Boorsooyinkiisa Ka Xir-xirtay Athletic Club; Wuxuu Kusii Jeedaa…………..

Warbixin cusub ayaa sheegaysa in Nico Williams uu Khamiistii ka saaray dhammaan alaabtiisa xarunta tababarka Athletic Club, taasoo muujinaysa in uu u dhow yahay ku biirista Barcelona. Warkan ayaa ka soo baxay Josep Pedrerol oo ka hadlayay El Chiringuito TV.

Pedrerol ayaa yiri: “Nico Williams ayaa Khamiistii ka qaatay dhammaan alaabtiisa xarunta tababarka ee Athletic Club.”

Nico ayaa la sheegayaa inuu heshiis buuxa la gaaray Barcelona. Qandaraaskiisu wuxuu socon doonaa ilaa 2031, isagoo mushahar ahaan u qaadan doona €7 ilaa €8 milyan sanadkii.

Inkasta oo Bayern Munich ay bixisay dalab dhaqaale oo ka sarreeya kaas, haddana go’aanka Nico waa mid cad. Sida uu sheegay El Chiringuito TV: “Mudnaanta koowaad ee Nico waa cadahay – wuxuu rabaa kaliya inuu ku biiro Barcelona.”

Wakiilka ciyaaryahanka, Felix Tainta, ayaa xiriir joogto ah la leh Barcelona. Kooxda ayaa weli u baahan inay bixiso qodobka lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah €58 milyan, inkasta oo ay jirto in qiimahaasi uu wax yar kor u kici karo iyadoo la eegayo qodobbada qandaraaska. El Chiringuito TV waxay sheegtay: “Barcelona waxay ku dadaalaysaa inay heshiiska dhammaystirto bartamaha bisha Luulyo.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football