Nico Williams ayaa lagu soo waramayaa inuu oggol yahay inuu mushaharkiisa hoos u dhigo si uu ugu biiro Barcelona xagaagan, sida uu sheegay khabiirka suuqyada kala iibsiga Ben Jacobs.
Agaasimaha ciyaaraha ee Barca, Deco, ayaa la kulmay wakiilka Williams si ay uga wadahadlaan heshiis suurtagal ah. Barcelona waxay diyaar u tahay inay siiso €12 milyan mushahar guud ah — waa isla tiradii ay horey ula gaareen ciyaaryahanka sanad ka hor.
Laakiin Barcelona ma ahan kooxda kaliya ee la dhacsan 22-jirkan. Bayern Munich iyo Arsenal ayaa sidoo kale doonaya saxiixiisa.
Kooxdiisa haatan ee Athletic Bilbao waxay bilaabeen wada-hadallo cusub oo ku saabsan qandaraas kordhin, iyaga oo doonaya in ay sii haystaan xiddigooda ugu muhiimsan Kooxda.
Williams wuxuu ka yimid kooxda Basconia sanadkii 2019, wuxuuna si joogto ah u noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican La Liga.