Xiddiga caanka ah ee Santos, Neymar Jr., ayaa ugu dambeyn go’aansaday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer Brazil, sida uu xaqiijiyay khabiirka suuqa ciyaartoyda, Fabrizio Romano, oo qoraal ku daabacay bartiisa X Talaadadii.
Romano ayaa sheegay:
” Neymar Jr. wuxuu oggolaaday inuu heshiis cusub u saxiixo Santos ilaa December 2025,” ayuu ku qoray.
“Inkasta oo lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo qaaradda Yurub, Neymar wuxuu sii joogayaa Santos ilaa dhammaadka horyaalka Brasileirão,” ayuu raaciyay isagoo soo xiganaya @cahemota.
Romano ayaa sidoo kale xusay:
“Neymar wuxuu xor u noqon doonaa inuu markale go’aansado mustaqbalkiisa bisha January.”
Neymar ayaa bishii January ee sanadkan dib ugu biiray kooxda uu ku soo barbaaray ee Santos, kaddib dhaawacyo isdaba joog ah oo caqabad ku noqday xilligii uu u ciyaarayay Al-Hilal ee dalka Sucuudiga.
Al-Hilal ayaa kansashay qandaraaskii weynaa ee Neymar, taasoo fursad siisay inuu si xor ah ugu biiro Santos. Wuxuu haatan jiraa 33 sano.