Warbixino la xaqiijiyay ayaa sheegaya in xiddiga reer Brazil ee Neymar da Silva, oo u ciyaara kooxda Santos, laga helay caabuqa coronavirus ‘COVID-19’.
Warar dhowr ah ayaa tilmaamay in calaamadaha cudurka ay ka soo muuqdeen Neymar Khamiistii, tan iyo markaasna uu ka maqnaa kooxda.
Saxaafaddu waxay sheegtay in ciyaaryahankan 33 jirka ah uu haatan ku sugan yahay xaalad wanaagsan oo aanay jirin khatar noloshiisa ah.
Warkan ku saabsan cudurka Neymar ayaa imaanaya xilli wadamo badan oo dunida ah ay si weyn uga hadlayaan faafitaanka fayraska.