Paris Saint-Germain ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysatay Champions League kadib markii ay si xun 5-0 ugu xasuuqday Inter Milan ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu qabtay Allianz Arena, Munich.
Neymar Jr., oo horey ugu ciyaaray PSG, ayaa soo hadlay kadib guushaas. Inkasta oo uu hadda u ciyaaro kooxda Santos ee Brazil, Neymar ayaa si diirran ugu hambalyeeyay kooxdiisii hore isagoo sawir soo dhigay Instagram-ka oo muujinaya xafladda PSG kuna qoray “Parabens” (Hambalyo) oo lagu ladhay emojis sacab ah.
Ciyaarta waxaa goolka furitaanka dhaliyay Achraf Hakimi, waxaana laba gool dhaliyay da’yarka Desire Doue, halka Khvicha Kvaratskhelia iyo beddelka Senny Mayulu ay dhameystireen shanta gool ee guusha.
Guushan ayaa timid sanado badan oo maalgelin xooggan lagu sameeyay kooxda, waxaana qeyb ka ahaa saxiixyadii waaweynaa sida Neymar oo 2017 kaga yimid Barcelona aduun dhan €222 milyan – rikoor weli aan la jebin.
Neymar, oo PSG u dhaliyay 118 gool 173 kulan, waxa uu ku guuleystay shan Ligue 1, balse Champions League wuxuu u ahaa riyo aan rumoobin waqtigii uu joogay. Xilligii ugu dhawaa wuxuu ahaa final-kii 2020 oo ay ku waayeen Bayern Munich.
Dhanka kale, Lionel Messi oo PSG u ciyaaray labo xilli ciyaareed (2021-2023) ayaan ilaa hadda ka hadlin guusha kooxda, taasoo dhalisay hadal hayn cusub. Messi hadda waxa uu u ciyaaraa Inter Miami ee horyaalka MLS.