Liverpool ayaa si dhow ula socota xaaladda weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, iyadoo kooxda Magpies diyaar u tahay inay u bandhigto qandaraas rikoor ah si ay uga ilaashato xiisaha sii kordhaya ee kaga imaanaya kooxaha waa weyn, sida uu qoray The Times.
Isak, oo dhaliyay 23 gool xilli ciyaareed cajiib ah oo uu ka sameeyay Premier League, ayaa bartilmaameed u ah Liverpool oo si weyn loola xiriirinayo 25-jirka reer Sweden.
Reds waa mid ka mid ah kooxaha yar ee awood u leh inay la jaanqaadaan baahida dhaqaale ee heshiis kasta oo Isak lala gaaro, haddii suuqa lasoo dhigo.
Newcastle waxay diyaarinayaan qandaraas ka dhigi doona Isak ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda kooxda, iyadoo wadahadallada heshiis cusub la filayo inay si dhakhso ah u bilaabmaan. Qandaraaskan cusub ayaa mushaarkiisa ka dhigi kara in ka badan £150,000 toddobaadkii — taasoo dhaafi doonta Sandro Tonali, Bruno Guimarães iyo Anthony Gordon oo ah ciyaartoyda ugu mushaharka badan haatan.
Inkastoo Liverpool ay horey u bixisay qarash weyn suuqan, haddana waxay weli haystaan awood dhaqaale oo ay ku tijaabin karaan go’aanka Newcastle.
Isak, oo Newcastle kaga yimid Real Sociedad £63 milyan sanadkii 2022, ayaa dhaliyay 62 gool saddex xilli ciyaareed gudahood, wuxuuna qandaraaskiisu soconayaa ilaa 2028.
Ilaa hadda, Isak ma uusan muujin rabitaan cad oo uu uga tagayo St James’ Park, balse Newcastle waxay ka baqayaan in dalab rasmi ah uu imaan karo bisha soo socota. Kooxda ayaa rajaynaysa in kusoo laabashadooda Champions League iyo qandaraaska cusub ee faa’iidada leh ay ku qancin karaan weeraryahanka inuu sii joogo kooxda.