Vinicius Jr ayaa ciyaaray mid ka mid ah kulamadiisii ugu fiicnaa ee Real Madrid, isagoo qayb weyn ka qaatay guushii 3-0 ahayd ee ay ka gaareen Red Bull Salzburg tartanka Club World Cup.
Vinicius ayaa furay goolasha ciyaarta, wuxuuna sidoo kale caawiyay goolka labaad ee uu dhaliyay Federico Valverde – taasoo dhacday daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qeybta hore.
Ciyaarta kadib, Vini ayaa warbaahinta u sheegay:
“Caawintaydii? Waxey ahayd mid cajiib ah, mid ka mid ah kuwii ugu fiicnaa ee aan sameeyay.
Waa codsi ka yimid Xabi. Wuxuu inoogu sheegaa si tartiib tartiib ah waxa aan u baahan nahay inaan samayno.
Waxaan ugu ciyaarayaa gudaha garoonka si macquul ah, halkii aan ka ahaan lahaa garab Iska taagan.
Way iiga fiican tahay sidan, markaan u dhowahay goolka, waxaan dhalin karaa goolal badan oo waxaan caawin karaa intaas ka badan.
Kooxduna way isu dhawdahay. Sidan, waxay naga caawisaa inaan noqono kuwo adag oo si wadajir ah cadowga u cadaadiya.”