Muxuu Pedri Ka Yiri Guushii Dirqiga Aheyd Ee Ay Ka Gaareen Xulka France

Pedri ayaa si daacad ah u falanqeeyay bandhigga xulka Spain kulankii ay 5-4 kaga badiyeen France, isagoo qirtay in kooxdiisu aysan si buuxda u xukumin ciyaarta.

“Ma aanaan maamulin ciyaarta sida aan jeclaan lahayn, laakiin waxa ugu muhiimsan waa inaan mar kale final joogno,” ayuu yiri xiddiga Barcelona.

Markii la weydiiyay doorarkii uu ciyaarta ka qaatay, Pedri wuxuu sheegay:

“Tababaraha ayaa igu amray inaan beddelo booskeyga intii ay ciyaartu socotay, weyna kusii fiicnaatay sidaas.”

“Markaan kubadda mara badan taabto, waxaan dareemaa raaxo. Hore waxaa inoo jooga ciyaartoy khatar ah oo mucjiso ah,” ayuu ku daray.

Pedri ayaa kulanka ka ciyaaray khadka dhexe iyo weerarka, wuxuuna dhaliyay gool muhiim ah oo ka caawiyay Spain inay gaaraan finalka Nations League.

Spain waxay Axadda wajihi doontaa xulka Portugal ciyaarta kama dambaysta ah ee Nations League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football