Muxuu Paul Pogba Ku Jawaabay Markii Mourinho Uu Virus-ka Ku Tilmaamay? Xogta Jawaabtiisii Iyo Waliba Qaabkii Uu Ubxiyay Oo Cajiib Ah.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa Pual Pogba si bahdilaad ah ugu canaantay qolka labiska kooxdiisa Man United ee kadib kulankii Southampton wuxuuna Mourinho adeegsaday erayga dulin ama Virus oo uu ku sifeeyay Pogba.

Jose Mourinho ayaa Pual Pogba ku eedeeyay in aanu waxba ka ciayarin kulankii Southampton isla markaana uu ahaa mid niyadjab ku abuuray ciyaartoyda kooxdiisa United iyo waliba taageerayaasha kooxdiisa laakiin waxaa hadda la ogaaday qaabkii uu Pogba jawaabta saxda ah u siiyay Mourinho.

Aan marka hore dib idiin xusuusiyo canantii Mourinho uu kala dul dhacay Pogba wuxuuna yidhi: Waxba adigu maad ciyaarin.Maad xushmayn ciyaartoyda iyo taageerayaasha isla markaana waxaad dishay maskaxdii dadka fiican ee daacada ah ee adiga kugu xeeran”.

Laakiin wargayska The Times oo marar badan oo hore soo ogaaday dhacdooyinka qolka labiska Manchester United iyo waliba xarunta tababarka ee Red Devils ayaa shaaciyay in Pogba aanu jawaabta Mourinho u siin qaab dagaal ah balse uu isdajiyay isla markaana uu siiyay jawaab ku haboonayd.

Sida wargayska The Times ayaa shaaciyay in Paul Pogba uu isaga oo degan Mourinho ugu jawaabay, in sababta aanu si fiican ugu u ciyaarin kulankii Southampton ay ahayd in uu waayay ciyaartoy kooxdiisa Man United ah oo ka agdhow maadaama oo hanaankiisa ciyaareed aanu u ogolayn ciyaartoy ay booskooda ka dhaqaaqaan.

Pogba ayaa Mourinho u sheegay in sababta aanu si fiican ugu ciyaarayn ay tahay in hanaankiisa ciyaareed aanu ciyaartoyda kale u ogolayn in ay si xoriyad leh u dhaqaaqi karaan laakiin Mourinho ayaa hadalkan u sheegay qaab degan oo aan dagaal ahayn.

Hadalka uu Pogba u sheegay Mourinho ayaa ah mid la mid ah hadalkii uu hore saxaafada uga hor sheegay ee ahaa in kooxdoodu ay badasho hanaanka ay ku ciyaarto oo ay weerar badan yeeshaan gaar ahaan marka ay Old Trafford joogaan.

Waxa uu hadda qof kastaaba sugayaa haddii Mourinho uu shaxdiisa ku soo bilaabi doono Pogba kulanka muhiimka ah ee Arsenal iyo haddii uu ku ciqaabi doono in uu runta u sheegay oo aanu hanaankiisa ciyaareed ahayn mid caawinaya in si fiican loo ciyaaro.