Muxuu Lionel Messi U Sheegay Modric Kaddib Xafladdii Ballon d’Or? – Farriin Uu Diray Messi Oo U Caddaysay Modric In Aanu Ronaldo Saaxiib Wanaagsan Ahayn

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa la sheegay inuu farriin u diray Luka Modric waxyar kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Modric oo ay da’diisu tahay 33 jir ayaa Isniintii loo caleemo saaray abaal-marinta Balon d’Or, waxaanu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee la guddoonsiiyo biladdan tan iyo sannadkii 2007 oo uu Kaka qaatay, iyadoo sannadihii ka dambeeyey ee tobanka ahaana ay Ronaldo iyo Messi marba midkood qaadanayey.

Cristiano Ronaldo ayaa kaalinta labaad galay, laakiin kama qayb-gelin xafladda, waxaana ka daran in warbaahintu sheegtay inuu aad uga xumaaday abaal-marinta la siiyey saaxiibkiisii kubbadaha quruxda badan siin jiray ee Real Madrid ay waqtiga kusoo wada qaateen.

Waxa intaas dheer, laba hablood oo ay walaalo yihiin Ronaldo ayaa weeraray Modric, iyagoo ku tilmaamay in loo iibiyey abaalmarinta la siiyey.

Haddaba, Lionel Messi oo aanay weligood koox u wada ciyaarin Modric ayaa sameeyey dadnimo aad uga wanaagsan ta Ronaldo, waxaana markii ay dhamaatay xafladdii lagu qabtay Paris uu farriin u diray xiddiga guuleystay ee waliba u ciyaara kooxda ay aadka u xafiiltamaan ee Real Madrid.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, laguna qoro luuqadda Spanish-ka, Messi ayaa u hambalyeeyey Modric daqiiqado kaddib markii ay xafladdu dhamaatay.

Si kastaba ha ahaatee, farriintan ayaa Luka Modric u muujisay in Lionel Messi ka wanaagsan yahay saaxiibkiisii horee ee Cristiano Ronaldo oo xattaa aan hambalyo usoo dirin inta illaa hadda la ogyahay.

 

6 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Mesi waa namiimiye shaydan ah isagupa kumafaraxsana be haduu run sheegayo xaflada muutago

  2. Mesi waa namiimiye shaydan ah isagupa kumafaraxsana be haduu run sheegayo xaflada muutago

Comments are closed.