Liam Delap ayaa muujiyay farxaddiisa iyo qanacsanaantiisa kaddib markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyay ee Chelsea, isagoo caawiye ka noqday guushii ay kooxdu ka gaartay LAFC tartanka FIFA Club World Cup.
Delap ayaa yiri:
“Waa dareen aad ii farxad geliyay. Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo. Inaan ciyaaro oo wax ku biiriyo kooxda kulankaygii ugu horreeyay runtii waa dareen wanaagsan.”
Wuxuu sidoo kale amaanay sida wanaagsan ee ay saaxiibadiisa cusub ugu soo dhaweeyeen kooxda, inkasta oo uu dhowaan ku biiray:
“Si fiican ayay iigu soo dhaweeyeen qolka labiska. Waxaan kaliya sameeyay dhowr tababar, mana sugi karo kuwa kale ee iman doona.”
Delap wuxuu carabka ku adkeeyay rabitaankiisa ah inuu kooxdiisa ka caawiyo guulo, laakiin sidoo kale uu doonayo inuu goolal dhaliyo:
“Waa muhiim inaan kooxda ka caawiyo hadafkeeda, laakiin waxaan sidoo kale rabaa inaan goolal dhaliyo!”
Markii la weydiiyay tartanka adag ee boosaska ee ka jira gudaha kooxda, wuxuu yiri:
“Tartanku mar walba waa mid muhiim ah.Blues waa koox la yaab leh. Waa inaad ka faa’iidaysataa tartanka si aad horumar u sameyso”