Muxuu Enzo Maresca Ka Yiri Guushii Taariikhiga Aheyd Ee Kooxdiisa Ka Gaartay Betis

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa ka hadlay horumarka kooxdiisa kadib markii ay ku guuleysteen UEFA Conference League, isagoo tilmaamay in guulaha xilligan ay muujinayaan biseyl iyo dagaal ay kooxdu korodhsatay.

“Shaki la’aan waxaan si weyn isu bedelnay tan iyo markii aan bilownay xilli ciyaareedka. Waxaan bilownay inaan ciyaaraha ugu guuleysano si aan qurux badnayn. Marka aad koox dhalinyaro ah leedahay, taas aad bay u adag tahay,” ayuu Maresca yiri.

Isagoo tusaale u soo qaatay guushii ay ka gaareen Nottingham Forest, ayuu Maresca sheegay: “Ciyaartii Forest waxaan u guuleysanay si fool xun, waxeyna aheyd guul muhiim ah.”

Waxa uu sidoo kale muujiyay sida uu ugu farxo ruuxda kooxda marka ay dhaliso goolal. “Sawirka ugu wanaagsan ee aan caawa xasuusan doono waa markii aan dhalinay goolal, labadii ciyaaryahan ee ugu horreeyay ee dabaaldega bilaabay waxay ahaayeen Malo Gusto iyo Benoit Badiashile – labadii ciyaaryahan ee aan beddelnay. Taasi wax badan bay ka dhigan tahay. Waxay muujinaysaa in ruuxda kooxda uu wanaagsan yahay, qof walbana uu is taageerayo.”

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football