Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yiri Bixitaankii Mesut Ozil Ee Garoonka Santiago Bernabeu – Sheeko Dib Loogu Laabtay!

Mesut Ozil ayaa isaga tagay Real Madrid sanadkii 2013 kadib saddex sano uu ku sugnaa garoonkaas wuxuu ku hantay hal tartan oo La Liga ah, sidoo kalana fasalkiisii ugu dambeeyay wuxuu noqday xiddiga ugu caawinta badan La Liga, balse booskiisa ayuu u cabsaday.

Real Madrid waxey keensatay sanadkii ka horreeyay Luka Modric oo ay kala soo wareegeen Tottenham Hotspur, xiddiga reer Jarmal ayaana dareemay inuu wax taageero ah ka heysan maamulka kooxda.

Waxey noqotay wax sahlan inuu Ozil go’aansado inuu ka dhaqaaqo Madrid, waxey aheyd wakhti ku haboon sida dadka qaar ay qabeen balse hal qof oo ka tirsan kooxda ayaan farxad ku dareemin waana Cristiano Ronaldo.

Tababare Arsene Wenger wuxuu xiriir lasoo sameeyay Ozil, wuxuuna taleefoon ugu sheegay inuu doonayo isla markaana uu kula noolaan doono waqooyiga London.

Ozil oo ka hadlayay wuxuu yiri: “Waxaa hubanti ii aheyd inaan sii joogi doono Real, balse kadib waxaan garwaaqsaday inaan kalsooni ka heysan maamulka, waxaana ahay xiddig u baahan in lagu kalsoonaado waana wax aan ku dareemay Arsenal, waana sababta aan ugu soo biiray”

Si kastaba, Jamaahiirta Gunners wey u dabaal dageen iney heleen helitaanka xiddiga reer Jarmal, balse Ronaldo wuu ka hadlay bixitaanka Ozil isagoo leh: “Iibka Ozil waa war ii xun aniga, wuxuu ahaa xiddiga qura ee aad u yaqaan dhaq-dhaqaaqeyga goolka hortiisa, waana ka carooday inuu baxay”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.