Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa qirtay in xilli-ciyaareedkan uu ahaa mid aad u adag, isagoo yiri: “Wax badan ayaan ku dhibtoonay.”
Inkasta oo ay kooxdu la kulantay dhibaatooyin, Amorim wuxuu weli rajo weyn ka muujiyay mustaqbalka kooxda, isagoo aaminsan in kooxdu wax badan ka baran doonto khaladaadkii dhacay.
“Waa arrin adag, mana isku dayayo inaan ka dhigo mid fudud. Xilli-ciyaareedku wuxuu ahaa mid culus,” ayuu yiri Amorim.
“Isbeddello badan ayaa ka dhacay gudaha kooxda, mararka qaarna waxay qaadataa ilaa shan sano si dhammaan shaqaalaha iyo waxyaabo kale loo beddelo.”
Amorim ayaa xilka la wareegay bartamihii xilli-ciyaareedka, iyadoo kooxdiisu ay la kulantay caqabado adag oo dhinaca isbeddelka iyo la qabsiga ah.
Si kastaba, Amorim wuxuu rumeysan yahay in khibradda ay kooxda heshay xilli-ciyaareedkan ay ka caawin doonto mustaqbalka dhow.
“Hadda waa waqtigii aan ka faa’iidaysan lahayn dhammaan dhibaatadii aynu soo marnay si aan u sameyno horumar xagaaga,” ayuu yiri.
“Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaday lix bilood kahor inta uusan xilli-ciyaareedka cusub bilaaban. Waxaan rumeysanahay inaan ka fogaan doono khaladaad badan xilli-ciyaareedka dambe.”