Xiddiga khadka dhexe ee Bayer Leverkusen, Florian Wirtz, ayaa la filayaa inuu qaato mushahaar todobaadle ah oo aad u sareeya marka uu ku biiro Liverpool xagaagan.
Tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, ayaa Wirtz ka dhigtay bartilmaameedkiisa koowaad si uu u xoojiyo kooxda xilli ciyaareedka soo socda.
Heshiiska ciyaaryahankan reer Jarmal ayaa la rumeysan yahay inuu meel fiican marayo, iyadoo Liverpool ay diyaar u tahay inay jebiso rikoorka suuqa kala iibsiga ee Premier League.
Leverkusen waxay ku dooneysaa £120 milyan, halka Liverpool ay miiska saartay £100 milyan oo lagu daray £13 milyan oo gunnooyin ah. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Bundesliga ayaa ku adkeysaneysa in qiimaha rasmiga ah uu dhaafo £115 milyan — taasoo ah lacagtii Chelsea ku qaadatay Moses Caicedo.
Sida uu sheegay wargeyska BILD, Wirtz ayaa sidoo kale heli doona mushahar weyn oo ah £355,000 toddobaadkii, waxaana uu saxiixi doonaa heshiis shan sano ah.