Mushaarka Waallida Ah Uu Ronaldo Ku Kasbanayo Qandaraaskiisa Cusub Oo La Shaaciyay

Cristiano Ronaldo ayaa markale si weyn hadalheynta baraha bulshada u qabsaday kadib markii la xaqiijiyay inuu laba sano oo dheeraad ah ku kordhiyay qandaraaskiisa kooxda Al Nassr ee Saudi Pro League.

Qandaraaska cusub ayaa la sheegay inuu Ronaldo ku qaadan doono €400 milyan sanadkii, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan taariikhda ciyaaraha.

Mushaharka sanadkii Usoo xaroonaya wuxuu noqonayaa:

€33.34 milyan bishii

€7.6 milyan todobaadkii

€1.1 milyan maalintii

€772 daqiiqadii

€13 ilbiriqsigii

Warbixinta xitaa waxay tilmaameysaa in waqtiga aad maqaalkan akhrinayso uu Ronaldo kasban karo in ka badan €2500.

Ronaldo wuxuu noqon doonaa 42 sano jir marka uu dhamaado heshiiskiisa cusub. Waxa uu ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Saudi Arabia labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, taasoo muujinaysa inuu weli yahay mid heer sare ah xitaa iyadoo uu da’dan ku jiro.

Mushaharkiisa cusub wuxuu ka dhigayaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu saameynta badan, uguna qaalisan kubadda cagta caalamka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football