Mucjisadii 10-ka Ilbidhiqsi: N’Golo Kante Oo Wejiga Kaga Dhuftay Sarri Xaqiiqada Mucjisadiisa Iyo Baraha Bulshada Oo Uu Qabsaday

Toddobaadyadii ugu dambeeyey may fiicnayn xaaladdiisa garoonka Stamford Bridge, sababtuna waxay ahayd in tababare Maurizio Sarri uu u diray boos cusub, isaga oo u sheegay in aanu ahayn ciyaartoy ku wanaagsan booskiisii uu kusoo caano maalay ee khadka dhexe ee difaaca xigta.

Kante ayaa kulamadii ugu dambeeyey waxa uu ka ciyaaray khadka dhexe ee dhinaca midigta, waxaana halkiisii la istaajiyey Jorginho oo tababaraha cusub ee Blues uu tibaaxay inuu yahay midka kaliya ee safkiisa koowaad ah ee ku habboon inuu booskaas ka ciyaaro, marka uu maqan yahayna uu ka ciyaarsiin doono Cesc Fabregas.

Aragtidan tababaraha ayaa ka yaabisay dadka yaqaana N’Golo Kante, isla markaana la socday xirfaddiisa illaa waayihiisii Leicester City oo ah halka uu ka bilaabay indho-sarcaadka ugu dambayn uu ku kasbaday inuu ku xidho funaanadda Chelsea.

Kulankii Manchester City ay kaga adkaadeen 2-0 ee garoonka Stamford Bridge, Kante kama ciyaarin booskiisii caadiga ahaa, waxaanu mar kale ahaa dibed wareeg laakiin qofna kuma qabsan karin inuu ahaa xiddiga garoonka, iyadoo bandhiggiisa aan daalka lahayn uu ku darsaday difaacis layaab lahayd iyo goolka koowaad ee furitaanka oo uu u dhaliyey Chelsea.

27 jirkan ayaa khubrada ciyaaraha ee markii ay is khilaafeen Sarri ay isku waafaqeen inuu yahay laacibka ugu wanaagsan booskiisa ee adduunka xilligan jooga, laakiin taasi waxay ka degi weyday macallinkan Talyaaniga ah, illaa uu qaybtii hore ee ciyaarta guusha weyn ay ka heleen City uu toban daqiiqadood gudahood xaqiiqada wejiga kaga dhuftay tababarihiisa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa waxa uu Kante sameeyey bandhig mucjiso ah oo toban ilbidhiqsi oo kaliya u dhexeeyeen, markaas oo uu soo qabtay laba kubbadood oo ka lumay kooxdiisa oo ciyaartoyada kale ee City ay heleen.

Midda koowaad waxay ahayd baas isaga loosoo dhiibay oo uu ka dafay Raheem Sterling oo xawaare dheer ku ordayey, waxaana uu Kante isla markiiba sida gantaalka uga daba-booday Raheem oo uu kasoo ritay kubaddiisa uu ka boobay. Midda labaadna waxay ahayd isla kubaddii uu soo reebay ayaa waxa uu u dhiibay Rudiguer oo isaguna usii baasay Willian taas oo ku dhimatay Hazard, hase yeeshee Kante oo aan orodkii uu kubadda kusoo reebay joojinin ayaa mar kale ka boobay kubadda difaaca City, waxaanu u celiyey Hazard.

Muuqaalka mucjisada tobanka ilbidhiqsi:

Bandhiggan yaabka leh ayaa waxa markiiba uu qabsaday baraha bulshada gaar ahaan Twitterka oo si weyn loogu soo bandhigay muuqaal iyo ammaan, waxaase ay dhamaan dadka aragtidooda dhiibtay ka sinnaayeen in Kante uu yahay difaaca dhexe ee ugu wanaagsan caalamka.

Halkan ka akhriso qaar ka mid ah farriimihii Twitterka