Tababaraha Fenerbahce, Jose Mourinho, ayaa taageero u muujiyay go’aanka Manchester United ee ah inaysan shaqada ka ceyrin Ruben Amorim, inkasta oo kooxda ay xilli ciyaareed xun soo martay.
United ayaa ku dhameysatay kaalinta 15-aad ee Premier League xilli ciyaareedkii 2024/25, taasoo ah natiijadii ugu xumeyd ee taariikhda kooxda. Waxay sidoo kale seegtay fursaddii ugu dambeysay ee ay kaga qeyb gali lahayd Champions League, kaddib markii ay guuldarro 1-0 kala kulantay Tottenham final-kii Europa League.
Mourinho oo ku guuleystay koobkii ugu dambeeyay ee Yurub ay United qaaday (Europa League 2017), ayaa sheegay in kooxda si sax ah u dhaqantay iyadoo siineysa Amorim fursad dheeri ah.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Mourinho wuxuu yiri:
“Marka la eego wixii aan akhriyay, saameynta ay guuldarrada Europa League ku yeelatay Man United waa mid weyn, gaar ahaan marka la fiiriyo in muddo badan aysan qayb ka ahayn tartamada Yurub.”
“Laakiin haddana waxay u muuqataa in ay Ruben taageerayaan. Waxay siinayaan waqti iyo fursad uu kooxda ku horumariyo.”
Ruben Amorim ayaa la filayaa inuu hogaamiyo United xilli ciyaareedka 2025/26 inkasta oo ay jireen baaqyo loogu yeeray in la eryo.