Mohamed Salah Oo Taariikh Cusub Ka Dhigay Premier League

Mohamed Salah oo si rasmi ah xilli ciyaareed cajiib ah ugu guuleystay saddexda abaalmarin ee ugu waaweyn ee shaqsiyadeed ee Premier League: Golden Boot, Playmaker of the Season, iyo Player of the Season, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda ee hal xilli ciyaareed ku guuleysta saddexdaas abaalmarin.

Salah ayaa hantiyay kabta dahabka ah (Golden Boot) isagoo dhaliyay 29 gool, isagoo lix gool ka hor maray weeraryahanka Newcastle, Alexander Isak. Waxa uu sidoo kale bixiyay 18 caawin, taasoo ka dhigtay kubad sameeyaha xilli ciyaareedka, isagoo lix caawin ka badan xiddiga labaad, Jacob Murphy.

Tani waa markii labaad ee uu Salah ku guuleysto labada abaalmarin ee Golden Boot iyo Playmaker hal xilli ciyaareed gudaheed, isagoo markii hore sidaas sameeyay 2021–22.

Intaas waxaa u dheer, Salah ayaa loo magacaabay EA SPORTS Player of the Season, isagoo galay liiska xiddigaha ugu caansan ee abaalmarintan ku guuleystay in ka badan hal jeer.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football