Mohamed Salah ayaa taariikh dhigay isagoo markii labaad ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Premier League (EA SPORTS Player of the Season), wuxuuna noqday ciyaaryahankii shanaad ee laba jeer ku guuleysta abaalmarintan taariikhda horyaalka.
Weeraryahanka reer Masar ayaa horey ugu guuleystay abaalmarintan xilli ciyaareedkii 2017/18, waxaana hadda uu hiigsanayaa inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee saddex jeer ku guuleysta, kaddib markii uu saxiixay heshiis cusub.
Salah ayaa xilli ciyaareed cajiib ah soo bandhigay, isagoo Liverpool ku hogaamiyay hanashada horyaalkoodii labaad ee Premier League. Wuxuu hogaaminayaa liiska gooldhalinta iyo caawinta, isagoo leh 28 gool iyo 18 caawin.
Axadda wuxuu fursad u haystaa inuu taariikh kale sameeyo isagoo noqon kara ciyaaryahankii ugu horreeyay ee hal xilli ciyaareed ku guuleysta Golden Boot, Golden Playmaker, iyo Player of the Season.
32-jirka ayaa sidoo kale rikoorro cusub dhigay; wuxuu noqday ciyaaryahanka saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda Liverpool, wuxuuna booska shanaad ka galay gooldhalinta guud ee Premier League isagoo heysta 185 gool.
Sidoo kale wuxuu noqday ciyaaryahanka ajnabiga ah ee ugu goolasha badan Premier League, isagoo dhaafay Sergio Aguero oo lahaa 184 gool.
Salah ayaa ku guuleystay abaalmarintan kaddib codbixin dadweyne iyo guddi khubaro kubadda cagta ah, isagoo ka sarreeyay liiska musharraxiinta oo ay ka mid ahaayeen saaxiibadiisa Liverpool ee Virgil van Dijk iyo Ryan Gravenberch.
Wuxuu soo afjaray shan sano oo xiriir ah oo ciyaartoyda Manchester City ay abaalmarintan ku guuleysanayeen.