Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday in uu wadahadallo “dhab ah” la yeeshay kooxaha ka ciyaara horyaalka Sacuudiga ka hor inta uusan heshiis cusub la saxiixan Liverpool.
Bishii hore, Liverpool ayaa heshiis laba sano ah u cusboonaysiisay weeraryahanka 32-jirka ah, taasoo ka hortagtay inuu kooxda kaga tago si xor ah dhammaadka xilli ciyaareedka. Salah wuxuu qiray in taageerada jamaahiirta Liverpool ay door weyn ku lahaayeen in kooxda ay aqbasho shuruudihiisa. Haddii kale, wuxuu u hayaami lahaa Sacuudiga.
“Waxaan u arkayay fursad wanaagsan in aan ku biiro horyaalka Sacuudiga. Waxaan aaminsanaa in aan halkaas tagi karo haddii aanan heshiiska la ii kordhin. Xiriirkeyga dadka halkaas jooga waa mid wanaagsan welina wuu socdaa. Wadahadallo dhab ah ayaa dhacay oo ku saabsanaa beddelkeyga,” ayuu yiri Salah.
Markii la weydiiyay Barcelona iyo Real Madrid, wuxuu ku jawaabay, “Wax xiriir ah lama aanan lahayn.”
“Taageerayaasha Liverpool waxay qayb ka ahaayeen geeddisocodka kordhinta heshiiska. Cadaadis ayay saareen maamulka kooxda sababtoo ah waxaan halkaan joogay toddobo sano. Waxay rabaan inaan sii joogo, aniguna waan ogaa tan iyo maalintii ugu horreysay,” ayuu Salah u sheegay Daily Mail.