Mohamed Salah Oo Shaaciyay Hal Wax Oo Ka Caawin Kara In Uu Ku Guuleysto Ballon d’Or-ka Sanad Kaan

Weeraryahanka Liverpool, Mohamed Salah, ayaa muujiyay rajo weyn oo uu ka qabo hanashada abaalmarinta Ballon d’Or kaddib xilli ciyaareed aan caadi ahayn oo kooxdiisu ku guuleysatay horyaalka Premier League markii ugu horreysay muddo 35 sano ah.

“Weligey ma aanan la kulmin xilli ciyaareed sidan oo kale ah, gaar ahaan inaan ku guuleysto horyaal weyn,” ayuu yiri Salah. “Waxaa nasoo maray xilli ciyaareed waali ah. Waxaan aaminsanahay in horyaalka Premier League uu kordhinayo fursadeyda Ballon d’Or. Waxaan jeclaa inaan ku guuleysto Champions League, Premier League, iyo Ballon d’Or. Waxaa fiicnaan lahayd inaan raad weyn kaga tago koox sida Liverpool oo kale ah.”

Salah ayaa si weyn ugu biiray guusha kooxda isagoo dhaliyay 30 gool kana caawiyay 21 kale dhammaan tartamada. Tababaraha kooxda Arne Slot ayaa sheegay in guusha kooxdu ay sare u qaaddo fursadaha ciyaartoyga.

“Waa wax wanaagsan in Mo lagu daro doodaha Ballon d’Or sababtoo ah waxay muujinaysaa inuu si fiican u ciyaarayo, kooxduna si fiican u socoto,” ayuu yiri Slot. “Laakiin si ay u sii jiraan doodahaas, waa inuu la yimaadaa heer ciyaareedkii uu horey u muujiyay.”

Maaddaama qandaraaskiisa uu sii dhamaanayo, taageerayaasha Liverpool waxay rajeynayaan inuu sii wado taariikhda uu Anfield ka qorayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football