Miyuu Zubimendi U Maray Arsenal Caafimaad? Waa Tan Jawaabta

Arsenal ayaa weli ka shaqeynaysa saxiixa khadka dhexe ee Real Sociedad, Martin Zubimendi, iyadoo warar qaar horey u sheegayeen in kooxda Ingiriiska ay horey u qorsheysay baaritaankiisa caafimaad.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta reer Spain ee COPE ayaa sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo deg-deg ah oo aan xaqiiq ahayn.

Baaritaan caafimaad weli lama qorsheynin, Zubimendi-na weli kama uusan bixin Spain si uu ugu safro London.

Xiddigan khadka dhexe ah ayaa xitaa bartiisa bulshada soo dhigay sawir uu kusoo galay xeebta agagaarka xaafaddiisa, taasoo dad badani u fasirteen inuu ku beeninayo wararka suuqa laisla dhex wareegaya.

Kooxda Real Sociedad weli kama aysan quusan inay sii haystaan, halka Real Madrid ay weli xiiseyneyso. Si kastaba ha ahaatee, u wareegidda Arsenal ayaa weli u muuqata natiijada ugu dhow ee laga filan karo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football