“Waan Is Diyaarinayaa”: Cristiano Ronaldo oo Xaqiijiyay Inuu Ka Qaybgalayo Koobka Adduunka 2026 isagoo Jira 41.
Cristiano Ronaldo ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu matali doono xulka Portugal marka la gaaro Koobka Adduunka ee 2026 xagaaga dambe.
“Waxaan rabaa inaan sida ugu wanaagsan isugu diyaariyo Koobka Adduunka,” ayuu yiri Ronaldo.
Xiddiga reer Portugal wuxuu noqon doonaa 41 jir marka Koobka Adduunka lagu qabto Mareykanka xagaaga dambe.
Halyeeyga Real Madrid wuxuu dhowaan Portugal ku hogaamiyay hanashada koobkoodii saddexaad ee taariikhdooda – dhammaan koobabkaas waxaa lala xiriiriyaa waqtigii Ronaldo.
Ronaldo waa halyeey ciyaareed, isagoo leh 938 gool xirfaddiisa ciyaareed. Waxa uu u muuqdaa mid u dhow inuu gaaro 1000 gool kahor inta uusan ciyaaraha ka fariisan.