Miyeey Talaabadaan Uu Qaaday Jose Mourinho Kadib Guuldaradii West Ham Muujineysaa Inuu Ogayahay In Laga Ceyrin Doono Shaqada Manchester United?

Sida ay qorayaan warbaahinta Ingiriiska qaarkood tababare Jose Mourinho ayaa u muuqday mid aan qeyb ka noqon safarkii ay ciyaartoydiisa dib ugu laabaneyeen magaalada Manchester kadib guuldaradii ay ka heleen kooxda West Ham United.

Macalinkaan reer Portugal ayaa loo badinayaa inuu baaqi ku noqday magaalada London halkaas oo ay dagan yahiin qoyskiisa, mana kasoo guurin sidii ay u dageen sanadkii 2013 markii uu dib ugu soo laabtay kooxda Chelsea sida lagu qoray Mail Online.

Warbixinta waxey intaas ku dareysaa in sheekadaas ay cirka sii galineyso wararka xanta ah ee sheegaya in shaqada laga ceyrin doono macalinka sanad walba oo saddexaad inta badan ku dhibtoonayay kooxahii uu soo leyliyay.

Warar kale ayaa sheegaya in ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka kooxda ay ka wada sheekeysteen in laga ceyrin doono Jose Mourinho shaqada isbuucaan marka uu dib uga soo laabto magaalada London.

Ma jiraan warbixino adag oo lagu kalsoonaan karo isla markaana qiraya inuu kooxda lasoo safray, waxeyna tani cadeyneysaa sida ay macalinka iyo ciyaartoydiisa u kala qeybsan yahiin.

55-jirkaan ayaa og inuusan fadhin mustaqbalkiisa Old Trafford sida lagu qoray Manchester Evening News, maadaama ay bilowgii sanadkaan ku warrameen iney taasi cadeyn u tahay maadaama uu wali ku nool yahay Hotel-ka magaalada.

Dhanka kale waxaa baraha bulshada aad loo waday muuqaal laga soo duubay soo jeediyayaha TV-ga beIN Sport [Richard Keys] kaas oo kadib guuldaradii West Ham ka sheegay istuudiyaha in Red Devils ay si hordhac ah ula xiriirtay Zinedine Zidane.

Macalinka reer France waa shaqo la’aan tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu iska casilay tababaranimadi Real Madrid maalmod kadib markii uu u hogaamiyay koobkii 3-aad oo xiriir ah Champions League, waxaana la leeyahay diyaar ayuu u yahay inuu badalo Mourinho.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Haa waa a rin fican in isbadal dhaco lakin taas macnaheedi maha inuu kafican hay macalinkaan rer Portugal kan imana ya eerer Farance

Comments are closed.