Miyay Real Madrid Haatanba Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay Eden Hazard? Cod Baahiye Onda Madri Oo Wax Badan Banaanka Keenay.

Cod baahiyaha caanka ka ah dalka Spain ee Onda Madrid ayaa ka faalooday xaaladii ugu dambaysay ee u dhaxaysa kooxda Real Madrid iyo garabka kooxda Chelsea ee Eden Hazard iyo haddii ay labada dhinac heshiiska shaqsiga ah isku af-garteen.

Real Madrid waxa ay haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Hazard waxaana ay qorshaynayaan inay xagaaga dambe dalab u dubiyaan kooxdiisa Chelsea sida laga soo xiganayo Onda Madrid.

Chelsea ayaan marnaba si fudud ku fasixi doonin xiddiga kooxdeeda sidii ay muujisay suuqyadii ugu dambeeyay waxaana ay ku qiimeeyaan inuu suuqa ku joogo aduun dhan 170 Milyan.

Qiimahaas ayaa ah mid aysan doonayn Madrid inay marnaba ku bixiso xiddig heshiiskiisu dhacayo sanad kaddib balse waxa ay qorshe ka dhiganayaan inay qayb ahaan heshiiska ku daraan Mateo Kovacic oo haatan Chelsea amaah ku jooga balse xiddig rasmi ah uga diiwaan gashan Ls Blancos.

Kovacic ayaan marnaba maanka ku hayn inuu ku laabto kooxdiisii hore marka uu dhaco heshiiskiisan kumeel gaadhka ahi, Sidoo kale kooxda lixda jeer hanatay horyaalka England ayaa qudheedu heshiis joogto ah ku doonaysa.

Hazard ayaa si daacadnimo leh u qirtay rabitaankiisa Madrid gaar ahaan wareysi uu bixiyay horraantii xilli ciyaareedkan markaas oo uu sidoo kale xusay inay jirto surogalnimo uu qandaraaska Chelsea ku kordhinayo halkaas oo uu dareensan yahay inuu ku xasilay.