Miyay Manchester City Soo Gabagabeyn Doontaa Hamiga Horyaalka Ee Manchester United Axada? Pep Guardiola Ayaa Ka Jawaabay

Pep Guardiola ayaa sheegay inaysan suurtogal aheyn in la soo gabagabeeyo rajada horyaalka ee Manchester United haddii ay kooxdiisa City badiso kulanka Manchester Derby ee Axada.

Tababaraha Manchester City ayaa laga beeniyay fursad uu hanashada horyaalka ugu dabaaldegi lahaa guul ay ka gaaraan kooxda ay xafiiltamaan xilli ciyaareedkii hore markii United ay labo gool ka soo kabsatay islamarkaana ay 3-2 ku badisay kulankii Etihad Stadium.

City ayaa ugu danbeyn ku guuleysatay horyaalka iyagoo 19 dhibcood ka sareeya kooxda Manchester United.

City ayaan weli laga badinin horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana ay sagaal dhibcood ka sareeyaan deriskooda Manchester United.

Laakiin Guardiola ayaa yiri: “Guul ama guuldarro ma ahan kuwa ka maqan tartanka koobka horyaalka . Iyadoo November la joogo inay ka haraan tartanka horyaalka, taasi suurtogal ma ahan.

“Waa ay soo bandhigeen waxay yihiin, waxa ay ku jireen xilli adag waxaana ay u soo kabsadeen si fiican.

“Waa koox weyn, tan iyo markii aan imid kooxda waxaan isku dayayay inaan ka dhaadhiciyo ciyaartoyda in kooxdaas aysan marnaba isdhiibin.”

Wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Dabcan kulamada lala ciyaaro kooxaha horyaalka kugula tartamaya waa kuwa muhim ah sababtoo ah haddii aad badiso iyaguna waa guuldareysteen laakiin waxaan joognaa November sidaasi darteed malaha kulanka Old Trafford ee bisha March ayaa ka muhiimsanaan doona midkaan.”

3 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.