Milos Kerkez ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Liverpool, iyadoo aabihiis uu xaqiijiyay in heshiiska shakhsi ahaaneed horey loo dhameeyay islamarkaana aysan eegi doonin wax dalabyo ah oo kaga yimaada kooxo kale.
Aabaha Kerkez ayaa yiri:
“Kaliya Liverpool ayaan dooranay, meel kale ma aadeyno mana la hadli doonno koox kale. Dhammaan heshiisyadii shakhsiyeed waa la gaaray, waxaa kaliya hadhay faahfaahin yar, laakiin asal ahaan heshiisku wuu dhamaaday.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Richard Hughes ayaa na keenay Bournemouth, haddii uu dhaho India ayaad aadeysaan, waan aadeynaa. Wax walba waa la isku afgartay, kaliya arrimo yaryar ayaa dhiman.”
Tani waxay muujinaysaa in heshiiska Kerkez uu si weyn ugu dhow yahay dhammaad, iyadoo la filayo inuu si rasmi ah ugu biiro Liverpool xilli dhow.