Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal, Mikel Merino, ayaa magacaabay labada xiddig ee uu u arko inay yihiin kuwa ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or ee 2025: Lamine Yamal iyo Pedri oo ka tirsan Barcelona ayuu si toos ah u magacaabay.
Merino ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ay xilli ciyaareedkii 2024/25 sameeyeen bandhig heer sare ah. Wuxuu sidoo kale xusay in haddii xulka Spain uu ku guuleysto Nations League, ay taasi kor u qaadi karto fursaddooda ku aaddan abaalmarinta.
“Waxaan rajeynayaa in Ballon d’Or uu aado dhinaca Lamine Yamal ama Pedri. Waa ciyaartoy igala tirsan xulka Spain, waxey soo qaateen xilli ciyaareed cajiib ah,” ayuu Merino u sheegay warbaahinta EFE.
“Inkasta oo aysan ku guuleysan Champions League, haddana sanadka oo dhan waxay muujiyeen qaab ciyaareed joogto ah oo aan la dhayalsan karin. Waxaan rajeynayaa in Spain ay qaado Nations League, si aan ugu hibeyno taageerayaasha koob kale oo muhiim ah.”
Lamine Yamal iyo Pedri ayaa door weyn ka qaatay guulaha Barcelona ee LaLiga iyo Copa del Rey xilli ciyaareedkii hore.