Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shaaciyay afar ciyaaryahan oo ka tagaya kooxda xagaagan.
Ciyaartoydaas waa:
Raheem Sterling
Jorginho
Kieran Tierney
Neto
Sterling iyo Neto ayaa sanadkii hore ugu soo biiray Arsenal heshiis hal xilli ciyaareed ah oo amaah ah, waxaana ay dib ugu laabanayaan kooxahoodii hore ee Chelsea iyo Bournemouth.
Dhanka kale, Jorginho iyo Tierney ayaa si xor ah ugu biiraya kooxaha Flamengo iyo Celtic, maadaama uu heshiiskoodu dhammaanayo.
Arteta oo hadlay kaddib guushii 2-1 ee ay Arsenal ka gaartay Southampton maalintii ugu dambeysay ee xilli ciyaareedka ayaa yiri:
“Waxay ahayd muhiim inaan guuleysano, sidoo kale waxay ahayd muhiim inaan si fiican u macsalaameyno ciyaartoyda naga tegaya, oo aan uga mahadcelinno waxqabadkooda.”
“Qaar badan sida Kieran, waxay nala soo joogeen muddo lix sano ah.”
“Jorginho waxaan isku daynay inaan si fiican u sagootinno, sidoo kale Neto iyo Raheem.”