Mikel Arteta Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guuleysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareed Kaan

Tababaraha kooxda Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay Paris Saint-Germain (PSG) inay ku guuleysato tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, kadib markii kooxdiisa laga ciribtiray tartanka.

Arsenal ayaa isreeb-reebka wareega siddeedda ee Champions League, waxaa qaawiyay PSG kadib guuldarro 3-1 ah labada lugood ee ciyaarta. Inkastoo Arteta uu sheegay in Arsenal ahayd mid ka mid ah kooxaha ugu fiican tartanka xilli ciyaareedkan, haddana wuxuu rajo weyn ka muujiyay in PSG ay koobka qaadeyso.

Arteta, oo ciyaaryahan ahaan 18 bilood u ciyaaray PSG intii uu ku jiray xirfaddiisa, ayaa u sheegay warbaahinta Faransiiska Canal Plus in uu si gaar ah ugu rajeynayo guul kooxda reer Paris.

“Waqti fiican ayaan ku qaatay PSG, sidaa darteed waxaan qalbigayga ka rajeynayaa inay ku guuleystaan Champions League,” ayuu yiri Arteta.

Haddii PSG ay ku guuleysato tartanka, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhdooda oo ay hanato koobka Champions League, waxaana kooxda haatan hoggaaminaya tababare Luis Enrique.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football