Lionel Messi ayaa ugu dambeyn ka hadlay waxa sababay cadhadiisa kaddib markii Inter Miami ay barbaro 2-2 ah la galeen kooxda Palmeiras, taasoo keentay in kooxda Mareykanka ay ku fashilmatay kaalinta koowaad ee Group A.
Inkasta oo Messi ay ka muuqatay caro kaddib kulanka, haddana wuxuu qirtay in u gudbidda wareegga 16-ka ee Club World Cup ay tahay guul weyn oo taariikhi ah.
Messi ayaa ku qoray Instagram:
“Inkasta oo dadku u maleynayaan in aan guuleysanay shalay, xaqiiqdu waxay tahay inaan xaqiijinay ka qeybgalka wareegga 8-da, taasoo noo ah wax weyn sida naadi ahaan. Waa talaabo taariikhi ah, waxey guul u tahay Inter Miami iyo MLS.”
Inter Miami ayaa iska lumisay fursad ay ku noqon lahayd kooxda ugu sareysa group-ka, kaddib markii ay hoggaan 2-0 ah lumiyeen kulankii ay la ciyaareen Palmeiras. Haddii ay guuleysan lahaayeen, waxay wajihi lahaayeen Botafogo wareegga xiga, halka ay hadda ka wajahayaan PSG Axadda.
Messi ayaa lagu arkay isagoo si cad u xanaaqsan kuna deg-degaya inuu garoonka ka baxo dhamaadkii ciyaarta – falcelin si weyn loo falanqeeyay – balse hadalkiisa ayaa muujinaya inuu si weyn u qiimeynayo horumarka ay kooxda gaartay.