Messi Oo Qarka U Saaran Inuu Ku Biiro Horyaalka Sucuudiga – Wadahadalladii Ugu Dambeeyay Oo La Ogaaday!

Saxafiga Sasha Tavaleri ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer Argentina, Lionel Messi, uu si toos ah wadahadallo ula galay masuuliyiin ka tirsan horyaalka Sucuudiga, si uu ugu dhaqaaqo halkaas xagaagan.

Qandaraaska Messi ee kooxda Inter Miami wuxuu dhacayaa bisha December ee soo socota,Weli ma dhammeystirin heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda Mareykanka.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in wadahadallada Messi iyo masuuliyiinta horyaalka Sucuudiga ay si dhab ah u socdeen maalmahan dambe, iyadoo uu xiriir toos ah la yeeshay Abdullah Hamad, oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta ee Sucuudiga.

Warbixintu sidoo kale waxay xustay in Messi uu si fiican u yaqaan magaalada Riyadh, maadaama uu horey u booqday guryo iyo dugsiyo kala duwan oo ku yaal halkaas, isla markaana uu u muujiyay xiise, taasoo kordhinaysa fursadaha uu ugu wareegi karo Boqortooyada Sucuudiga.

Haddii Messi uu go’aansado inuu u wareego horyaalka Sucuudiga, wuxuu yeelan doonaa doorashada ugu dambeysa ee kooxda uu doonayo inuu matalo, mana jiri doonto koox gaar ah oo lagu qasbayo, go’aankuna wuxuu si buuxda ugu jiri doonaa gacantiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football