Messi Oo Hakad Geliyay Wadahadalladii Uu Kula Jiray Inter Miami

Xiddiga reer Argentina, Lionel Messi, ayaa si dhab ah uga fiirsanaya inuu ka tago Inter Miami si uu ugu biiro horyaal tartan badan leh ka hor Koobka Adduunka ee 2026, sida uu warinayo wariyaha ESPN, Esteban Edul.

Messi oo labo xilli ciyaareed la joogay Inter Miami ayaa lagu wadaa inuu wada-hadallo ku saabsan heshiis kordhin la galo kooxda reer America, balse warbixintu waxay sheegaysaa in wada-xaajoodyada hadda hakad galeen.

Messi wuxuu doonayaa inuu ku matalo Argentina mar kale Koobka Adduunka ee dhici doona 2026, wuxuuna aaminsan yahay in lix bilood ka hor tartanka uu u baahan yahay inuu ciyaaro kubadda cagta heerka sare oo tartan adag leh si uu u helo diyaargarow buuxa.

Waxaa jira kooxo badan oo xiiseynaya inay Messi la saxiixdaan haddii uu go’aansado inuu ka tago kooxda Mareykanka ee MLS ka ciyaarta.

Messi ayaa rajo weyn ka qaba inuu safto koobka adduunka ee 2026.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football