Messi Oo Ballan-qaad Waalli Ah U Sameeyay Kooxdiisa, Xilli Ay Garaaceen Porto Koobka Adduunka Ee Naadiyada

Halyeeyga reer Argentina Lionel Messi, ayaa muujiyay farxadiisa weyn kaddib markii kooxdiisu 2-1 kaga adkaatay Porto, kulan ka tirsanaa heerka group-yada ee Koobka Adduunka ee Naadiyada.

Messi ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

“Guusha aan ka gaarnay Porto waxay noo tahay farxad aad u weyn. Kooxdu si cajiib ah ayey u ciyaartay. Kuma tiirsanin kaliya difaac, laakiin kubadda si fiican ayaan u maamulanay. Aad ayaan u faraxsanahay xilligan, gaar ahaan marka aan xasuusano niyad-jabkii natiijadii kulankii ugu horreeyay – annaga ayaa ku dhawaannay guul markaas. Guushan waa muhiim waana ku raaxeysan doonnaa.”

Messi ayaa sidoo kale muujiyay hamiga ay kooxdiisu ka leedahay tartankan:

“Waxaan rabnaa inaan is-muujino si aan u hanano koobkan. Maanta waxaan la ciyaarnay koox Yurub ah oo xoog leh, waxaana la ciyaarnay ciyaar heer sare ah. Waxaan isku dayi doonnaa inaan bandhigan ka dhigno mid joogto ah marka aan la ciyaareyno Palmeiras. Waan ognahay inay xoog badan yihiin marka la eego Taariikh ahaan, laakiin annaga niyad dagaal sare ayaan leenahay. Waxay noqon doontaa ciyaar adag.”

Messi ayaa sidoo kale ka hadlay laadkii xorta ee quruxda badnaa ee uu ka dhaliyay Porto:

“Markii aan arkay kubadda oo meel u dhow goolka taalla, isla markaana ay adag tahay inay sare u kacdo, waxaan arkay in goolhayaha aanu si fiican u taagneyn tiirka goolka, sidaas darteed waxaan isku dayay inaan ka toogto geeskaas — fursadda waan ka faa’iidaystay.”

Guushan ayaa Inter Miami siisay dhiirigelin weyn oo ay ugu dagaallami karaan hoggaanka Group-ka Koowaad, kaas oo sidoo kale ay ku jiraan Al Ahly (Masar), Porto (Portugal), iyo Palmeiras (Brazil).

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football