Kylian Mbappe ayaa seegay tababarka Real Madrid Talaadadii, iyadoo kooxda Los Blancos ay isu diyaarineyso kulankooda ugu horreeya ee Club World Cup oo ay la ciyaarayaan Al Hilal maalinta Arbacada.
Sida laga soo xigtay Carrusel Deportivo, weeraryahanka reer France ayaa la daalaa dhacaya hargab, taasoo sababtay inuusan ka qayb qaadan tababarka kooxda.
Arrintan ayaa walaac ku abuurtay tababare Xabi Alonso, iyadoo Mbappe uu hadda shaki weyn ku jiro kulanka muhiimka ah.
Mbappe waa gooldhaliyaha ugu sarreeya Real Madrid xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 43 gool – taasoo ka dhigeysa isha ugu muhiimsan ee goolasha kooxda xilli ciyaareed u muuqday mid liita.
Real Madrid ayaa la rajeynayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaarto ciyaarsiinta Mbappe kahor kulanka, iyadoo xaaladdiisa caafimaad si dhow loola socdo.