Mbappe Oo Sanad Walba Malaayiin Lacag Ah Ka Xada Baraha Bulshada; Sidee?

Daraasad cusub oo ay sameysay Oddspedia ayaa muujisay in Kylian Mbappe uu sanadkii ka helo ku dhawaad €3 milyan euro kaliya akoonkiisa Instagram, inkastoo qayb weyn oo taageerayaashiisa ah ay yihiin kuwo been abuur ah.

Daraasadda ayaa isbarbar dhig ku samaysay dakhliga ciyaartoyda ka helaan baraha bulshada iyo qiimahooda suuqa. Dalka Spain, kaliya Mbappe iyo Rodrigo De Paul ayaa la sheegay inay ka helaan baraha bulshada dhaqaale ka badan kan kubadda cagta. Mbappe ayaa lagu qiyaasay in qiimaha uu ka kasbado baraha bulshada uu ka badan yahay qiimaha suuqa ee ciyaaryahannimada in ka badan €300 milyan. De Paul isna wuxuu helaa €13 milyan oo ka badan qiimihiisa suuqa.

Liiska tobanka ciyaaryahan ee ugu dakhliga badan ee ku xamaasha taageerayaasha been abuurka ah ayaa waxaa ka mid ah lix ciyaaryahan oo Real Madrid ka tirsan, saddex Barcelona ah, iyo hal ka tirsan Atletico Madrid. Mbappe ayaa hogaaminaya liiska isagoo sanadkii ka helaya qiyaastii €2.8 milyan euro taageerayaal been ah oo lagu qiyaasay 21.23% taageerayaashiisa guud, taasoo ah ku dhowaad 26 milyan oo qof oo ka mid ah 124 milyan oo uu heysto.

Sida lagu sheegay daraasadda, Mbappe wuxuu hal post oo Instagram ah ku heli karaa ku dhowaad €75,000 – waa kaliya taageerayaasha aan dhabta ahayn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football