Weeraryahanka Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa faallo ka bixiyay heerkiisa ciyaareed ee hadda, isagoo sheegay inuu dareemayo horumar.
“Ma garan karayo inaan marayo heerkeygii ugu fiicnaa – taas ma ahan wax xisaabiye kaliya og yahay. Ma hubo,” ayuu yiri Mbappe.
“Laakiin tan iyo bishii Janaayo, waxaan dareemayay fiicnaan. Waxaan u ciyaarayay si wanaagsan, inkasta oo aanan aheen mid aad u wacan, haddana horumar baan sameynayaa, taasna waxey ii tahay dhiirrigelin.”
Mbappe ayaa intaas ku daray in guulaha kooxda ay yihiin waxa ugu muhiimsan:
“Ujeedada ugu weyn waa inaan ku guuleysano koobab. Weli waxaan ku jirnaa tartamo aan u dagaallami doonno. Koobka Adduunka ee Kooxaha (Club World Cup) waa mid aad muhiim u ah.”
Mbappe ayaa dhawaan si fiican ugu bilowday waayihiisa Real Madrid, balse wali waxaa muuqata inuu doonayo inuu gaadho heerkiisii ugu sarreeyay.