Maxey Ahaayeen Erayadii Uu Unai Emery Ku Yiri Xiddigiisa Sead Kolasinac Kadib Qaladkii Uu Sameeyay Kulankii Man United?

Tababare Unai Emery ayaa diiday inuu xiddigiisa reer Bosnia Saed Kolasinac ku eedeeyo qaladkii uu galay kulankii ay barbardhaca la dhaafi waayeen Man United, wuxuuna go’aansaday inuu xiddigiisa niyadda u dhiso halkii uu ciyaartoyda hortooda ku dhaleeceyn lahaa ama wax uga sheegi lahaa.

Qalaad ka yimid Saed ayaa sababay in Jesse Lingard uu dhaliyo goolka barbardhaca ee Man United, waxeyna aheyd xilli xiddigii hore Schalke 04 uu deystay kubad uu ugu yaraan banaanka u saari karay si uu goolhayaha u qabsado.

Unai Emery wuxuu xaqiijiyay in Saed Kolasinac uu soo galay qolka labiska isagoo madaxiisa uu hoos yahay isla markaana uu go’aansaday inuusan farta ku fiiqin si uu u noqdo mid ka qoomameeya qaladka uu galay.

“Ma aheyn mid walaacsan. gabagabadii Saed Kolasinac wuxuu ahaa mid madaxa raariciyay, waxaana ku iri: Saed waxaad ciyaartay kulan fiican, waxaadna na siisay xaalado wanaagsan oo aan ugu yaraan gool ku heli karnay, waxyaabahaan oo kalana wey ku dhacaan difaacyada” ayuu yiri Unai Emery.

“Waxyaabahaan wey dhacaan, mar walba noqo qof dhanka wanaagsan ka fakara waxna ka barta ficilkiisa”

Unai Emery wuxuu dareensanaa iney nasiib xumo u aheyd kooxdiisa ineysan saddex dhibcood kala soo laaban garoonka Old Trafford, waana rikoor 12-jirsaday iney garoonkaas wax guul ah kulamada horyaalka Premier League.