Maxay Tahay Sababta Ousmane Dembele Looga Reebay Safka Barcelona Ee Wajahaya Real Betis? Tababare Ernesto Valverde Oo Ka Jawaab Celiyay

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka jawaab celiyay sababta dhabta ah ee uu liiska kooxdiisa uga reebay safka u matalaya kulanka Real Betis da’yarka ree France ee Ousmane Dembele.

Ousmane ayaa seegay tababarkii kooxdiisa ee maalinimadii khamiistii walow uu tababarka si buuxda u qaatay maanta haddana waxa uu gabi ahaanba ku fashilmay inuu kusoo baxo liiska uu kulanka toddobaadkan u xushay tababarihii hore ee Athletic Bilbao.

Valverde ayaa diiday inuu si faahfaahsan uga warramo xaalada Dembele balse waxa uu si cad u sheegay in sababta uu uga saaray xiddigan kooxdiisu aysan ahayn sababo ciqaab.

Tababaraha ayaa yidhi “Maaha ciqaab, Qofkasta waxa uu u qaadan karaa sida uu doono, Wakhtiyada qaar ciyaartoy ayaa taga halka ay marar kale ciyaartoy kale ayay ku dhacdaa, Berri Ousmane Dembele ma joogi doono halkaas”

Dhinaca kale Valverde ayaa amaanay da’yarkan isaga oo sheegay inuu leeyahay hibo weyn isla markaana uu doonayo inuu ka caawiyo sidii uu uga faa’idaysan lahaa hibada uu leeyahay.

“Hibada uu leeyahay Dembele waa mid ay adagtahay in la helo, Waana inaan ka caawino isaga inuu ka faa’idaysto, Waxaan doonaynaa qaabka ugu fiican ee ciyaartoy kasta oo kooxdayada ah, Dembele waa hibo cajiib ah waxaanan doonaynaa inaan ka caawino inuu maalin uun muujiyo”