Maxay Tahay Sababta Layaabka Leh Ee Dib Udhaca Ku Keeni Karta Soo Laabashada Mesut Ozil Ee Dhaawacii Uu Dhabarka Ka Qabay?

Arsenal ayaan awood u lahayn inay ku xisaabtanto adeega xiddiga kooxdeeda ee Mesut Ozil tan iyo 5-tii bishii October maadaama oo uu xiddiga ree Germany dhaawac dhabarka ah si joogto ah garoomada ugaga maqnaa.

Tababare Unai Emery ayaa sheegay in xiddigani uu si adag uga shaqaynayo inuu kusoo laabto tababarka buuxa ee kooxda, Shaqsiyaad badan ayaa xiddigan ku eedeeyay dhacdo yaab leh oo uu caado ka dhigtay isla markaana sii dheerayn karta soo kabashadiisa.

Ozil's back injury blamed on Fortnite addiction

Dhacdadan ayaa ah inuu Mesut si aad ah ugu waalan yahay ciyaar gacmeedka isla markaana uu saacado badan oo maalintii ah ku bixiyo ciyaaristiisa.

Wargeyska Daily Star ayaa sheegaya in Ozil uu mid kamid ah baraha ciyaar gacmeedkan ka diiwaan gashaday kulamo dhan 5,221 kulan oo uu ciyaaray waana ciyaaro cel-celiskoodu noqonayo kuwo shan saacadood lagu bixinayo maalintii.

Si lamid ah Bild oo kasoo baxa dalka Jarmalka ayaa arrintan wax ka weydiiyay khabiir caafimaad waxaana uu sheegay caadadani ay tahay mid dib u dhigaysa dhaawaciisa dhabarka iyo kusoo laabashadiisa garoomada.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa sidoo kale jira warar sheegaya in Ozil uu khilaaf kala dhexeeyo tababare Emery isla markaana uu ka fikirayo bixitaan xilli ay durtaba kooxo saxeexiisa saf usoo galeen.