Maxaa Ka Jira In Neymar Junior Lacago Badan Lagu Siiyo U Sacbinta Jamaahiirta PSG? Isaga Ayaa Ka Jawaabaya.

Neymar Junior ayaa beeniyay warbixinada soo jeedinaya inuu u sacbinta jamaahiirta kooxdiisa ku qaato lacago waali ah, wuxuuna  baraha bulshada kusoo qoray “War been ah”

Waxaa so ifbaxay warbixino ay baahiyeen warbaahinta Faransiiska oo tilmaamaa in xiddiga reer Brazil uu lacago aan caqliga gali karin ku qaato kaliya u sacab tumidda jamaahiirta kooxda kadib dhamaadka kulanka.

Waxaa lagu sheegay gunno dabeecadeed taasoo ah wax cusub oo rikoorka gali doona walow uu xiddiga beeniyay.

FRANCE 2 ayaa dhawaan soo saartay filim ay ku sheegeyso in Neymar uu dhaqankaas ku qaato 375,000 kun Yuuro bishii waana kaliya inuu u sacbiyo jamaahiirta PSG.

Saaxiibkiisa qaranka ahna Kabtanka kooxda Thiago Silva ayaa isna hela lacag dhan 33,000 kun oo Yuuro, walow ay PSG arrimahas ka jawaabtay markii lasoo bandhigay.

Waxey xaqiijiyeen iney jiraan lacago lagu helo hab-dhaqanka, balse ay yahiin wax ka badan in la isku sacabtumo.

Shabakadda AS ayaa shaacisay in gunnada ay tahay wax la xiriira wakhtiyada, xushmada warbaahinta iyo sidoo kale in la raaco lana fuliyo sharciyada horyaalka Faransiiska.

Ugu dambeyntiina Neymar isagoo isticmaalaya Instagram ayuu beeniyay wararkaas kuna tilmaamay waxba kama jiraan.