Weeraryahanka reer Brazil Matheus Cunha ayaa si weyn u muujiyay dareenkiisa farxadeed ka dib markii uu si rasmi ah ugu biiray Manchester United, isagoo kaga yimid kooxda Wolverhampton Wanderers xagaagan.
Cunha oo wareysigiisii ugu horreeyay bixiyay isagoo ah xiddig ka tirsan Red Devils ayaa yiri:
“Way adagtahay in aan erayo ku cabbiro sida aan ugu faraxsanahay inaan noqday ciyaaryahan Manchester United ah.”
“Weligay tan iyo caruurnimadaydii Brazil, waxaan ka daawan jiray ciyaaraha Premier League-ga telefishinka guriga ayeeyday, United waxay ahayd kooxda aan ugu jeclaa horyaalka Ingiriiska, waxaana ku riyoon jiray inaan xirto maaliyadda casaanka ah.”
“Waxaan u mahadcelinayaa qoyskayga iyo qof kasta oo iga caawiyay in riyadeydu rumoowdo.”
“Ma sugi karo bilowga xilli ciyaareedka cusub si aan u barto saaxiibadayda cusub uguna diyaar garoobo waxa na sugayo.”
“Diiradeydu waa hal mid – in aan si adag u shaqeeyo, noqdo xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda, isla markaana ka caawiyo in Manchester United ay dib ugu soo laabato heerkeedii sare.”
Soo dhawoow geesi wax badan naga caawin duoon ayaad tahay marlabaad soo dhawoooow sxp
Waa geesi lkn tababare iyo goolkiibar eber aa ka tahay ugaas man utd alway