Mason Mount ayaa si furan uga hadlay xiriirka uu la leeyahay kabtanka Manchester United Bruno Fernandes, isagoo muujiyay wixii uu u sameeyay intey wada joogeen gudaha qolka labiska iyo sidoo kale garoonka dhexdiisa.
Mount ayaa yiri:
“Markii aan kooxda ku soo biiray, wuu iga yaabiyay. Waxaan si fiican u heshiinay tan iyo maalintii ugu horreysay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waa kabtanka kooxda, wuxuuna tusaale fiican ku bixiyaa garoonka gudihiisa iyo bannaankiisa.”
Mount ayaa sidoo kale xusay doorka weyn ee Fernandes ka qaatay xilli ciyaareedkii adkaa ee soo maray kooxda:
“Waa nin heer sare ah. Inaan helno qof sidaas ah waa wax gaar ah. Waxa uu sameeyay xilli ciyaareedkan waan la dhacay – inuu dhaliyo goolal, bixiyo caawimo – xilli duruufo adag la marayay, waxay muujinaysaa cidda uu yahay.”
Mount ayaa si cad u muujiyay in Bruno Fernandes uu kaalin muhiim ah ka ciyaaray sidii uu si dhakhso ah ula qabsan lahaa Manchester United.